Dowlada Tanzania oo xirtay 104 oo looga shakiyay maleeshiyanimo

Ciidamada booliska ee dalka Tanzania ayaa xabsiga u taxaabay 104 qof oo eedeysanayaal ah kuwaaso lala xariiriyay maleeshiyanimo iyo inay qorsheynayeen in fariisimo ay ka sameystaan wadanka dariska la ah ee Mozambique.
Tan iyo bishii tobnaad ee sannadkii hore waxaa gudaha wadanka Mozambique ka dhacay ilaa iyo 40 weeraro ah.
Falalkaasi ayaa si gaar ah u saameeyay gobolka Cabo Delgado oo ku yaalla dhanka xadka dalkaasi uu la wadaago Tanzania waxaana ku dhintay in ka badan 100 qof.
Abaanduulaha booliska Tanzania Simon Sirro ayaa sheegay in sarakiisha ay bilooyinkii ugu dambeeyay wadeen howlgalo ka dhan ah dambiilayaasha oo uu hoosta ka xariqay in qaarkood ay baxsadeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *