Maamulka maareynta abaaraha oo u digay dadka ku nool hareeraha webiga Tana

Iskuduwaha maamulka qaran ee maareeynta abaaraha ee (NDMA) laantiisa Garissa, Cabdinuur Dhuuboow ayaa qoysaska deggan agagaarka webiga Tana River u soo jeediyay inay isku diyaariyaan daadad ay suuragal tahay inay saameyaan maalmaha nagu soo aaddan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in arrintan ay daba socoto digiin horay ay u soo saartay waaxa saadaasha hawada ee dalka.
Sido kale cabdinuur ayaa sheegay in shacabka ku nool degaanada inta badan ay fatahaadaha saameyaan laga doonayo inay mar waliba isku diyaariyaan sida ay naftooda iyo hantidoodaba u badbaadin karaan.
Intii u dhexeysay bilihii Maarso ilaa iyo May ayay kumanaan beeraley ah oo ku noo ismaamulada Garissa iyo Tana River khasaaro ka soo gaartay daadad halkaasi laga soo tabiyay.
Toddobaadka soo socdo ayaa la saadalinaya in degaano badan oo ka tirsan sideedadda gobol ee dalka ay ka da’aan roobab xooggan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *