Maamulka maareynta degaanka ee NEMA oo qabtay 1.7 tan oo ah bacaha la mamnuucay

Sarakiisha maamulka qaran ee maareynta degaanka ee NEMA ayaa magaalada Mombasa ku qabtay 1.7 tan oo ah bacaha balaastiga ee la mamnuucay.
Mas’uulka ugu sareeya NEMA ee ismaamulkaasi, Stephen Wambua ayaa sheegay in bacdaasi wadanka laga soo geliyay dhanka Tanzania.
Waxaa uu intaasi ku daray in sarakiisha ay howlgal sameyeen kadib markii ay ka warheleen in bas u kala goosho magaalooyinka Mombasa iyo Daresalaam alaabtaasi lagu soo qaaday.
Kartoonadii ay bacahan ku jireen oo gaaraya ilaa iyo 17 ayaa la dhigay xarunta dhexe ee saldhiga booliska ee Mombasa waxayna ciidamadu ku raadjoogaan darawalkii gaariga kaxeynayay oo la sheegay inuu dhuumaaleysanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *