Magaalada Cadaado oo lagu doortay gudoomiye ku xinkeenka koobaad ee galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay inay maanta doorteen gudoomiye ku xigaanka baarlamaanka maamulkaasi maadaama ay horay u shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen gudoomiye ki xigeenka koobaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.
Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug horayna xildhibaanada ku sugan magaalada Dhuusamareeb ay u sheegeen inay xilkii ka qaadeen ayaa ku dhawaaqay doorashadii maanta oo si gacan taag ah u dhacday
Masuulka maanta lagu doortay magaalada Cadaado oo lagu magacaabo C/laahi Xirsi ayaa sheegay inuu u adeegi doono dadka deegaankaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *