Maxkamada Maldives oo laashay dacwad uu u gudbiyay madaxweynihii hore Cabdulla Yameen

Maxkamada ugu sareeysa ee wadanka Maldives ayaa maanta waxba kama jiraan ka soo qaaday dacwad uu u gudbiyay madaxweynaha dhawaan looga guuleystay doorashadii dhacday Cabdulla Yameen.
Mr. Yameen ayaanan ogolaan natiijadii ka soo baxday doorashadii dhacday bishii hore ee uu kaga adkaaday Ibrahim Maxamad Soolix.
Waxaa uu ku doodayay in codeynta lagu shubtay hasa ahaate lagama ogolaan.
Sido kale maxkamada ayaanan aqbalin codsi uu soo gudbiyay Yameen oo ahaa inay boolisku ku amarto inay baaritaan ku sameyaan wax isdaba marino iyo khaladaad uu sheegayo inay xiligaasi jireen.
Cabdulla Yameen oo 59 sano jir ah ayaa horay u shaaciyay in laga guuleystay balse markii dambe wuxuu maxkamada ugu sareeysa geeyay dacwad maanta dhinac la isaga dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *