Saldhigyada booliska Mombasa oo la kordhinayo

Guddoomiyaha dowlada dhexe u qaabilsan ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta Evans Achoki ayaa shacabka halkaasi ku nool u xaqiijiyay in amaankooda si weyn loo sugi doono.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in la kordhin doono saldhigyada booliska ee ku yaalla Mombasa iyo guud ahaan gobolka xeebta.
Sido kale Mr. Achoki ayaa sheegay in sarakiisha booliska iyo xildhibaanada laga soo doortay degaanada kala duwan ay ka dhexeyso wada shaqeyn hoose si la isaga kaashado ka hor tagga iyo la tacaalidda falalka amniga liddigga ku ah.
Dadweynaha Mombasa gaar ahaan dhalinyarada ayuu uga mahadceliyay sida ay dowladda garab ugu siinayaan sugidda amniga.
Ismaamulka Mombasa ayaa ka mid ah maamul goboleedyada mararka qaar laga soo tabiyo dhacdooyin burcadnimo oo shacabka looga dhaco hantidooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *