19 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Pakistan

Shil galinkii dambe ee shalay ka dhacay wadanka Pakistan ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof halka 40 kalena ay ka soo gareen dhaawacyo kala duwan.
Waxaa isku dhacay laba bas oo rakaab siday xili ay marayeen gobolka ku yaallo wadooyiga bari ee dalkaasi ee Punjab .
Telefishinka dowlada Pakistan ee PTV oo soo xiganaya sarakiisha caafimaadka ayaa ku waramay in tirada dhimashada ay suuragal tahay inay sara u sii kacdo.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa amray in baaritaano la sameeyo wuxuuna u tacsiyeeyay qoysaska ay dadkoodi kaga dhinteen shilkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *