Ammaanka imtixaanada maanta billaabanaya oo si weyn loo adkeeyay

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga iyadoo maanta ay si rasmi ah u billaabanayaan imtixaanada fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee (KCSE-da guud ahaan dalka.
Ardayda ayaa u fariisanaya maadooyinka luqadaha sida Jarmalka, Carabiga, Sayniska guriyaha iyo miidaarka loogu talagalay dadka maqalka la’a.
Imtixaanadan ayaa la soo gabagabeynaya 1-da bisha soo socoto ee Novembar halka maadooyinka kale ay ardayda sameyn doonaan inta u dhexeysa 5-ta ilaa iyo 29-ka bisha koow iyo tobnaad.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo shalay madaxweynaha dalka uu digniin adag u jeediyay waalidiinta , macalimiinta iyo ardayda qorsheynaya inay iska kaashadaan falalka qishka ama xatooyada.
Waxaa uu Mr. Kenyatta wacad ku maray in cidii lagu helo falalkaasi xabsiga loo taxaabayo maadaama dowlada ay si weyn isugu diyaarisay ka hor tagga iyo la tacaalidda waxisdabamarinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *