Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta xeer muhiim ah ah ka doodaya.

Xubnaha golaha shacbiga dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa Isniin maanta ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxayna ka doodayaan xeerka hanti dhowrka.
Sida uu qorshaha yahay ajendaha kulanka maanta ayaa ah aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana xalay xildghibanada lagu wargaliyay in kulankaan uu maada jiro.
Ciidamada booliska ee dowlada Soomaaliya ayaa sugaya amaanka agagaarka xarunta golaha shacabka waxaana saaka xiran wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, sidoo kale waxaa baaritaan dheeraad ah ay ciidamadu ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *