Bandow lagu soo rogay magaalo ku taalo Nigeria oo lagu dilay 55 qof

Dowlada Nigeriya ayaa bandow soconaya 24-ta saacadood ee maalinkii ku soo rogtay magaalada Kaduna ee ku taalo waqooyiga wadankaasi kadib isku dhacyo u dhexeyay dhalinyaro muslimiin ah iyo masiixiyiin oo lagu dilay ugu yaraan 55 qof.
Guddoomiyaha gobolkaasi Nasir El-Rufai ayaa qoraal la xariira go’aanka dowlada soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook-ga.
Waxaa uu dhamaan shacabka ugu baaqay inay ku dadalaan ka shaqeynta iyo sii xoojinta nabadda.
Sarakiisha ammaanka ayaa ilaa iyo hadda xiray 22 qof oo ah eedeysanayaasha rabshadahaasi lagu tuhmayo.
In kastoo uunan faahfaahin sababta dagaalada keentay haddana wuxuu wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo khalkhal gelisa amniga iyo xasiloonida guud.
Bishii labaad ee sannadkan ayay ahayd markii iskudhacyo noocasi oo kale ah lagu dilay ugu yaraan 10 qof halka dab la qabadsiiyay boqolaal guriyo iyo meherada ganacsi ah in kastoo ilaa iyo hadda ay dacwado wajahayaan in ka badan 60 qof oo falalkaasi loo haysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *