Cristiano Ronaldo oo Xalay noqday Laacibkii ugu horreeyay ebid 5 horyaal ka dhaliya 400- gool

Cristiano Ronaldo ayaa diiwaan gishtay Taariikh u gaar ah kadib markii uu ciyaartii xalay ay bar baraha 1-1 la galeen kooxda Genoa ka dhaliyay gool.
Xidigan reer Portugal ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay abid kubada cagta 5-ta horyaal ee ugu sarreysa Yurub ka dhaliya 400 gool.
Cristiano Ronaldo ayaa xiligii uu joogay kooxda Manchester United horyaalka Premier League kasoo dhaliyay 84-gool, La Liga uu dhawaan ka soo tagayna wuxuu ka soo dhaliyay 311-gool kooxda Real Madrid, iminkana goolashiisa Juventus ee horyaalka Serie A waxay sii cago cageynayaan 5-gool.
Waxaa ku soo xigaa Lionel Messi oo isna leh 389-gool oo horyaalka La Liga ka dhaliyay balse dhammaan wuxuu u dhaliyay kooxda Barcelona oo kaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *