Laba ka mid ah mudanayaasha maamul goboleedka Marsabit oo la xiray

Kadib iskudhacyo maalmo ka hor saameeyay degaano ka tirsan ismaamulka Marsabit ayaa waxaa dhawaan xabsiga loo taxaabay laba ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee halkaasi laga soo doortay.
Xildhibaanka degaanka waqooyiga Horr Chachu Ganya iyo dhiggiisa Saku Cali Rasso ayaa la xiray.
Waxaa la geeyay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka si su’aallo looga weydiiyo dagaalo beeleed ay ilaa iyo hadda ku dhinteen 14 qof.
Shacabka iyo sarakiisha ammaanka ee ismaamulkaasi ayaa siyaasiyiinta qaar ku eedeyay inay jeediyeen hadalo colaadda sii hurin karo.
Toddobaadkii hore ayaa su’aallo la weydiiyay barasaabka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali iyo xildhibaanadda la xiray.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale guddoomiyaha dowlada dhexe u qaabilsan dowlad degaankaasi Gilbert Kitiyo uu jiifafka ama guddoomiye xaafadeedyada uu digniin adag u diray waxaana hadaladiisa ka mid ahaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *