Australia oo cunqabateyn saartay 5 ka mid ah taliyaasha militariga Myanmar

Dowlada Australia ayaa cunaqabateyn saartay 5 sarkaal oo taliyayaal ka ah militariga wadanka Myanmar.
Sarakiishan ayaa lagu eedeyay inay fuliyeen howlgalo sannadkii hore laga geystay gobolka Rakhine oo ay ku barakaceen in ka badan 700, 000 oo qof oo ka tirsan bulshada laga tirada badanyahay ee Rohingya.
Tallaabadan ayaa waxaa horay u qaaday Maraykanka iyo Midowga Yurub.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Australia, Marise Payne ayaa magacyada sarakiisha xayiraadda la saaray ku sheegay Aung Kyaw Zaw, Maung Maung Soe, Aung Aung, Than Oo, iyo Khin Maung Soe .
Waxaa uu intaasi ku daray in taliyayaasha ay qaadanayaan mas’uuliyadda xadgudub ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo xiligaasi dhacay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *