Hoggaamiyaasha waqooyi bari oo ku heshiiyay xoojinta la dagaalanka argagixisada

Madaxda siyaasadeed ee gobolka waqooyi bari ayaa ku heshiiyay inay si weyn isaga kaashadaan tageerada ay dowlada ku siinayaan la dagaalanka kooxaha geysta weerarada argagixiso.
Waxay mas’uuliyiintan sheegeen in argagixisada ay saameyn ku yeelatay degaanada gobolkaasi sidaasi awgeedna loo baahanyahay inay tallaabo degdeg ah qaadaan.
Guddoomiyaha dowlada dhexe u qaabilsan Mandhera Olaka Kutswa ayaa ku nuuxnuuxsaday in siyaasiyiinta laga doonayo inay cod dheer uga hadlaan arrimaha khalkhal gelin karo nabadda iyo xasiloonida guud.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in macalin weerar lagu dilo ay ka dhigantahay horumarka tacliinta oo lala dagaalamayo taasina ay dib u dhac ballaaran keeni karto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *