Shirkadaha isgaarsiinta ee Airtel iyo Telkom oo kordhiyay qiimaha adeegyadooda

Laba ka mid ah shirkadaha isgaariinta dalka oo kala ah Airtel iyo Telkom ayaa kordhiyay qiimaha adeegyada wicitaanka, isticmaalka intarneetka iyo sido kale farriimaha gaaban ee la isku diro.
Waxay si la mid ah Safaricom 30 seenti ku dareen qarashaadka macaamiisha uga baxa wicitaanada iyo adeegsiga intarneetka halka 10 seenti ay ku kordhiyeen fariimaha gaaban.
Go’aanka ay qaateen shirkadaha isgaarsiinta dalka ayay ku saleeyeen cunshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay.
Hasa ahaate Airtel ayaa sheegtay inaysan kordhin doonin qiimaha lacagaha la isugu diro.
Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka uu ansaxiyay sido kalena madaxweyne Uhuru Kenyatta uu qalinka ku duugay sharciga maaliyadda ee 2018-ka.
Waxaa sharcigaasi uu dhigaya in canshuurta horay laga qaadi jiray lacagaha la isku diro oo ahayd boqolkiba 10 laga dhigay 15 halka canshuur cusub oo boqolkiba 15 ah lagu soo rogay adeegyada intarneetka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *