Xildhibaanada mucaaradka oo sheegay in Raila uusan isaga baxeynin siyaasadda dalka

Qaar ka mid ah xildhibaanada garabka mucaaradka Nasa ayaa gaashaanka u daruuray hadalo ay jeediyeen siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka Rift Valley oo ahaa in Raila Odinga uu isaga baxo saaxadda siyaasadeed ee dalka.
Arrintan ayaa timid kadib markii madaxa Nasa loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee qaaradda Afrika.
Tallaabadan ayaa waxaa ka dhalatay hadal hayn siyaasadeed oo lagu muujinayo afkaar iska soo horjeedda.
Xidhibaanka degaanka Kiharu ,Ndindi Nyoro, dhiggiisa Kikuyu , Kimani Ichungwa,mudanaya degaanka Kimilili Didmus Barasa iyo Oscar Sudi oo laga soo doortay degaan baarlamaneedka Kapsaret ayaa ku doodaya in jagada cusub ee uu qabtay Mr. Odinga ay tahay mid aanan fududeyn sidaasi awgeedna looga baahanyahay inuusan isku mashquulin siyaasadda dalka.
Hasa ahaate John Mbadi oo ah mudanaha degaanka koonfurta Suba, Junet Maxamad oo laga soo doortay bariga Suna ,Otiende Amollo oo ah xildhibaanka degaan baarlamaneedka Rarieda iyo madax kale ayaa sheegay in Raila hadii uu loolan u galo qabashada talada dalka sannadka 2022-ka uu ku guuleysan karo.
Waxay carrabka ku dhufteen in iyadoo xita Mr. Odinga xil kale loo magacaabay haddan uu weli kaalin muuqata iyo mug siyaasadeed ku leeyahay dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *