Xildhibaano laga soo doortay Marsabit oo maanta maxkamada la soo taagayo

Waxaa maanta la filaya inay maxkamada ka soo hormuuqdaan mudanaha laga soo doortay waqooyiga degaanka Horr, Chachu Ganya iyo dhigiisa degaan baarlamaneedka Saku Dido Rasso.
Mudanayaashan ayaa la xiray shalay kadib markii lagu eedeyay dagaalo beeleed maalmo ka hor ka dhacay Marsabit.
Kadib markii gacanta lagu dhigay ayaa la geeyay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka si su’aallo looga weydiiyo dagaalo beeleed ay ilaa iyo hadda ku dhinteen 14 qof.
Shacabka iyo sarakiisha ammaanka ee ismaamulkaasi ayaa siyaasiyiinta qaar ku eedeyay inay jeediyeen hadalo colaadda sii hurin karo.
Toddobaadkii hore ayaa su’aallo la weydiiyay barasaabka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali iyo xildhibaanadda la xiray.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale guddoomiyaha dowlada dhexe u qaabilsan dowlad degaankaasi Gilbert Kitiyo uu jiifafka ama guddoomiye xaafadeedyada uu digniin adag u diray waxaana hadaladiisa ka mid ahaa.
Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay ismaamulada Marsabit iyo Tana River oo uu hor kacayo mudanaha Bura Cali Wario ayaa su’aal geliyay sababta labada mas’uul maanta loo xiray.
Waxay sheegeen inay dowlada ku tageerayaan dadaalada ay ku sugeyso amniga in kastoo ay dareemayaan inuu caga jiid jiro.
Siyaasiyiintan ayaa hoosta ka xariiqay in xariga labada mudane ay dhibaato horseedi karto sido kalena loo baahnaa inay dowladu tallaabo qaado toddobaadkii hore.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *