Faransiiska oo doonaya inuu dib u dejin u sameeyo carruurta dagaalyahaanada Suuriya

Dowlada Faransiiska ayaa qorsheynaysa sidii ay wadankeeda dib ugu soo celin lahayd carruur ay dhaleen maleeshiyo isku tilmaama islaami oo la rumeysanyahay inay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Faransiiska hasa ahaate ka dagaalama gudaha Suuriya.
Carruurtan ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Kurdiyiinta.
Sarakiil ka tirsan Faransiiska ayaa sheegay inay da’yartaasi soo kaxeynayaan hasa ahaate hooyooyinkooda laga soo tagayo si maamulada Suuriya ay tallaabo uga qaadaan.
Faransiiska iyo wadamo kale oo ka tirsan midowga Yurub ayaa ku dadaalaya sidii loola tacaali lahaa dagaalayaanada doonaya inay dib uga soo laabtaan wadamo ay Suuriya iyo Ciraaq ka mid yihiin.
Qoysaska Faransiiska qaar ka mid ah ayaa sheegay in ilaa iyo 60 haween oo eheladooda ah ,40 ka mid ah ay hooyooyin yihiin ay ku maqanyihiin Suuriya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *