Guddoomiyaha Migori oo lagu siidaayay damiin ah 5 milyan oo shilin

Basaraabka ismaamulka Migori ,Okoth Obado ayaa saaka mar kale la geeyay maxkamada sare ee magaaladatani Nairobi waxaana ugu dambeyn lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin.
Garsoore Jessie Lesiit ayaa go’aankaasi ka soo saartay dacwadda ay wajahayaan Mr Obado iyo eedeysane kale.
Guddoomiyaha Migori oo loo haysto dilkii Sharon Otieno oo dhiganaysay jaamacadda Rongo ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 21-kii bishii hore xilligaasi oo la xiray.
Sido kale waxaa dilkaasi lala xariiriyay kaaliyihiisi ,Michael Oyamo iyo karaaniga golaha hoose ee dowlad degaankaasi ,Caspal Obiero .
Saddexdan eedeysane ayay boolisku sheegen inay Sharon Otieno oo lahayd uur 7 bilood ah qaarajiyeen intii u dhexeysay 3-dii ilaa iyo 4-tii bishii hore.
19-kii bishan ayaa la aasay meydka gabadhaasi waxayna qoyskeeda dowlada ka codsadeen in tallaabo adag laga qaado cid waliba oo dilkeeda ku lug lahayd.
Mr. Obado ayaanan horay ugu guuleysan iskudayo uu ku doonayay in damiin lagu siidaayo hasa ahaate maanta ayay u suuragashay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *