Dalka Zambia oo Hakiyay Imtixanka Qaran iyada oo ay Jiraan Falal wax Isdaba Marin ah

Maamulka dalka Zambia ayaa dib u dhigay dhamaan imtixaanadkii dalkas ka socday ka dib markii ay isa soo tareen warbixino sheegaya in imtixanka la xaday ee ardayda dugsiyada sare ay u fadhiyeen.

Wasiirka waxbarashada David Mabumba ayaa sheegay in dowllada ay go’aansatay inay meesha ka saarto imtixanka 2018-ka markii la sheegay in imtixanka la xaday,Sido kalana ay u suura gasho inay baritaano sameeyaan.

Wasiirka ayaa xusay in baritanada ay bilawdeen,Isla markanaa lagu xaqiijini doono qadarka imtixanka la xaday.Waxa uu xusay in wasaarada waxbarashada iyo guddiga maareeya imtixanka dalkasi lagu soo wargaliyay in imtixanka la xaday.

Wuxu sheegay in dhamaan kuwa ka dambeeya cadaalada la hor keenayao.

Imtixanadkan la xado ama wax isdaba marinta ayaa ah mid ku badan dalka Zambia,Arday tiro badan iyo macalimiin ayaa loo qabtay falalka noocan sanadihi anu ka soo gudubnay ayaga oo lagu qabtay waxqadaha imtixanka .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *