(Dhagayso) Raila waa inuu kuu Duceeyaa si aad Kenya u Hogaamisa-ODM

Xisbiga ODM ayaa sheegay in Madaxweynaha ku xigenka dalka  William Ruto waa inuu weydistaa duco hoggamiyaha mucaradka NASA Raila Odinga hadii uu doonayo inuu hoggamiyo Dalka.

Siyasiyintan ayaa ka hadlay mar ay ku sugnaayeen aqalka Orange House oo ah xaruunta dhexe ee xisbiga ODM magaladatani Nairobi oo ay u hambaleyenayeen Raila odinga magacaabista loo magacaabay ergayga midowga Afrika ee hormarinta wadooyiinka.

Waxay xildhibanadana sido kale ka jawaabayeen hadala ka soo yeeray qaar ka mid ah saaxibada Ruto iyo xildhibanada Jubilee oo ay ka doonayaan Mr.Odinga inuu siyaasada ka faristo gabi ahaanba.

Xildhibanada Jubilee ayaa sheegaya in shaqada Raila loo magacabay ay tahay mid aad u adaga isla markaana ay u baahantahay inuu ka fogaado siyaasada dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *