Madaxa IEBC oo laga Doonayo inuu Faahfahin ka Bixiyo Sida ay ku Luntay Lacag Dhan 9-Bilyan

Sharci dajiyasha ayaa u yeeray guddomiyaha guddiga madaxa banan ee doorashada iyo xaduudaha dalka ee IEBC Wafula Chebukati inuu  faahfahin ka bixiyo sida ay ku luntay lacag dhan 9.5-Bilyan oo shilinka dalka.

Lacagta ayaa ah qandarasyada la siiyaya shirkadaha kala duwan si ay u soo gudbiyaan adeegyadii loo adeegsaday doorashadii 2017-ka ee xilka madaxtinimada.

Mr Chebukati ayaa ka soo hormuuqanaya guddiga aqalka barlamanka ee xisaabadka dadweynaha oo uu guddomiyo xildhibanka Ugunya Opiyo Wandayi, maalinta salaasada iyo arabcada si uu su’aalo  uu so saaray hanti dhowraha guud Edward Ouko uu kaga jawaabo.

Warbixinta oo laba todobaad ka hor la kenay aqalka barlamanka ,Waxaana ku cad in adeegyadii lacag laga baxshay aan keenin halka kuwa kalana la soo iibiyay balse aan la isticmaalin.

Xildhibanka ayaa xusay in guddiga uu fursad koowaad u siinaya guddiga IEBC si ay u sameeyaan xisaabin isa markaana ay ku soo gudbiyaan warbixin mudda 10-maalmood  ka dib markay ka dhagaystaan guddomiyaha guddiga Wafula Chebukati.

Opiyo wandayi ayaa sheegay in gudiga la doonayo inay arrintan si wacan oogasoo jawaabaan eedeymahaas.

Guddigan aqalka barlamanka ayaan wali heysan in ay u yeerayaan sarkalkii hore ee madaxa fulinta guddiga Eza Chiloba.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *