Walalaha Akasha oo qirtay dacwad la xiriirta ka ganacsiga daroogada

Dacwad ka dhan ahayd walaha Baktash Akasha iyo Ibrahim akasha ayaa soo gababoobay ka dib markii ay qirteen lix dacwad oo la xiriira ka ganacsiga droogada iyo falal musuqmasuq xili ay ka soo hormuuqdeen maxkamada ku taala magalada New York.

Waaxda dambi barista ee DCI  ayaa boggooda twiiterka ku qoray in labadan shakhsi oo Kenyan ah ay qirteen dacwadaha lagu heytay. Waaxda ayaa sheegay inay so bandhigtay cadeymo lagu kalsoonani karo iyada oo la kaashatay  xafiiska qaramada midoobay ee dambiyada iyo daroogada ee UNODC.

Ma aysan cadeyn in labada walaala lagu ridi doono xukun.

Bishi July, Maxkamda ayaa diiday dooda wallalaha oo ah in si khasab ah loo so oaf duubay isla markanaa la keenay dalka Maraykanak ee magalada New York.

Garsoore Victor Marrero ayaa xusay in waxyabaha ay ku andacoonayaan Akasha iyo Ibrahim ay tahay mid ay ku doonayaan inay ka badbaadaan dacwada ka ganacsiga daroogada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *