2 qof oo lagu qabtay foolal Maroodi

Waaxda adeegga Duur-joogta dalkani Kenya (KWS) ayaa gacanta ku dhigay 2 qof oo watay sideed foolasha maroodiga ah kuwaas oo qiimahoodu ku kacayo Sh2million oo shillinka dalka ah.
Foolashaasi maroodiga ee lagu qabtay dadkaasi ayaa culeyskiisu lagu sheegay 23 kiilo gram.
Labadan qof ayaa lagu qabtay agagaarka suuqa Bakaaraha ee Suguta Marmar xili ay laamaha amaanka hawlgalo wadeen.
Tuhmanayaashan ayaa lagu haya xabsiga Maralal waxaa ayna sugayaan maxkamada si loogu soo oogo dacwad ka dhan ah ka ganacsiga foolasha maroodiga taas oo mamnuuc ka ah dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *