Abaanduulaha booliska oo beeniyay inuu jiro weerar lala damacsanyahay xarunta wasaaradda maaliyadda

Taliyaha guud ee booliska dalka Mr. Joseph Boinnet ayaa gaashaanka u daruuray inuu jiro weerar argagixiso oo la qorsheeyay in laga fuliyo gudaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xariirto oo lagu sheegay in la doonayo in la qarxiyo daarta Times Tower iyo wasaaradda maaliyadda.
Mr. Boinnet ayaa mid been abuur ah ku sheegay warqad arrimahaasi looga hadlay.
Ujeedada qoraalkaasi laga leeyahay ayuu carrabka ku dhuftay inay tahay cabsi iyo walwal la doonayo in lagu abuuro shacabka.
Abaanduulaha booliska ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada ammaanka ay mar waliba heegan sare ugu jiraan sidii loo badbaadin lahaa noolosha iyo hantida kenyaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *