Alexis Sanchez oo bisha January ka tagaya Manchester United

Manchester United ayaa diyaar u ah marka suuqa kala iibsiga bisha Janaury uu dib u furmo inay xiiska iibiso weeraryahankeeda Alexis Sanchez.
Laacibkan oo suqii bishii January ee sanadkan kaga soo biiray kooxda Arsenal heshiis la is dhaafsaday isaga iyo Henrik Mkhitaryan ayaa diyaar u ah inuu ku biro kooxda Paris Saint-Germain.
Laacibka reer Chile ayaa ka mid noqday laacibiinta uusan xiiseynin tababare Mourinho, kadib qaab ciyareed hooseeya uu soo bandhigay.
Sanchez ayaa tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Manchester United wuxuu dhaliyay Afar goo loo kaliya.
Laacibkii hore ee arsenal ayaa aad u doonaya ku biritaanka PSG balse kooxdan ayaanan diyaar u aheyn inay bixiso mushaaradka qaaliga ah ee uu xidigan doonayo, waxaana ay la tacaaleysaa mushaaraadka Neymar Jr iyo Kylian Mbappe.
29-jirkan ayaa kooxda ku xamalata Old Trafford ka qaata mushaar dhan £400,000 toddobaadkii, waana mushaar aad u fara badan, iyadoo ay jirto inuusan sameynin bandhig u qalma mushaarka uu qaato.
Wakiillada weeraryahankii hore ee Barcelona iyo Arsenal ayaa ka shaqeynaya inuu laacibkan ka dhaqaaqo kooxda Man United, iyadoo kooxdan ay albaabada u furtay inay iska iibiso suuqa january, sida ay Mirror kuwarameyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *