DHAGEYSO 5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Narok

Shil maanta ka dhacay ismaamulka Narok ayaa waxaa ku dhintay 5 qof oo rakaab ah halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen mid ka mid a ah baabuurta xamuulka iyo gawaarida ay dadweynaha ku safraan ee loo yaqaano Mataatuuda.
Baabuurta ayaa foodda isdaray xili ay marayeen goobta ganacsi ee loo yaqaano Duka Moja ee ku taallo wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Narok iyo Maai Mahiu .
Dhaawaca ayaa loola cararay isbitaalka weyn ee Narok halkaasi oo lagu daaweynayo.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sidatan u faahfaahiyay shilka dhacay

Taliyaha saldhigga booliska Narok, Joseph Kisompe ayaa sheegay in afar qof oo ay ka mid tahay gabadh arday ahayd ay isla goobta ku dhinteen halka darawalkii kaxeynayay mataatuuda shirkadda Transline uu nafbaxay kadib markii isbitaalka la geeyay.
Mr. Kisompe ayaa intaasi ku daray in ciidamada booliska ay raadinayaan darawalkii looriga oo shilka kadib goobta ka baxsaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *