DHAGEYSO Guddoomiyaha Kilifi oo ka hadlay guri ku dumay Malindi

Barasaabka maamul goboleedka Kilifi Amason Kingi ayaa ku baaqay in baaritaano qota dheer lagu sameeyo dhisme ka koobnaa 8 dabaq uu ku dumay degaanka Malindi.
Waxaa dhacdadaasi ilaa iyo hadda ku dhintay 2 qof iyadoo 23 kalena ay ku dhaawacmeen.
Mr. Kingi ayaa sheegay inay khasab tahay in lala xisaabtamo cid waliba oo dhismaha gurigaasi gacan ka geysatay.

Taliyaha ciidamada booliska ismaamulka Kilifi Fredrick Ochieng ayaa sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay ku suganyihiin goobta uu dhismahaasi ku burburay.
Waxaa xusid mudan in maamulka qaran ee maareynta degaanka ee NEMA uu horay u soo saaray amar ah inaan gurigaasi la sii dhisin hasa ahaate waa la sii waday oona la dhameystiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *