Hal qof oo ku dhintay Dhismo ku dumay magaalada Malindi

Wararka inaga soo gaarayaa magaalada Malindi ayaa sheegayaa in dhismo uu ku burburay magaaladaasi waxaana ku dhintay hal qof halka dad kale ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha ciidamada booliska ismaamulka Kilifi Fredrick Ochieng ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg dega ah ay ku suganyihiin goobta uu ku dumay gurikaasi.
Dad aan la garaneyn tiradooda ayaa laga cabsi qabaa in ay ku hoos jiraan burburka dhismaha hoostiisa.
Samatabixiyaasha ku sugan halka uu dhismahaasi ku soo dumay ayaa caawinayaa dad caawimaad ka dhex dalbanayaa dhesmaha hoostiisa .
Dhismahani dumay ayaa la qorsheynayay in la burburiyay ka dib markii horay looga shakiyay inuusan tayo wanaagsan lahayn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *