Haweenay 14 carruur ah ku dhaawacday mindi wadanka Shiinaha

Wararka inaga soo gaarayaa galbeedka wdanka Shiinaha ayaa sheegayaa in haweenay ay 14 carruur ah oo ku sugnaa xarunta xanaanada carrurta ay ku dhaawacday tooreey.
Haweenaydan ayaa weerarka markay geystay kadib waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska magaalada Chongqing, mana jirto wax sabab u ah weerarka oo ay booliisku bixiyeen.
Weerarkan ayaa dhacay saaka xili ay carruurtaasi soo xaadireen fasalada ay wax ka baranayeen .
Sawiro laga qaaday carruurta ayaa muujinayaa dhawaacyo soo gaaray carruurtaasi oo ay haweeneydu midnida ku weerartay.
Haweenydaasi ayaa magaceeda loo aqoonsaday Lui ,ila iyo hadana ma jirto wax macluumaad ah oo laga bixiyay falka ay ku dhaqaaqday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *