Hoggaamiyaasha ismaamulada oo shuruudo ku xiray aftida dastuurka

Golaha ay ku mideeysanyihiin madaxda maamul goboleedyada dalka ee loo yaqaano COG ayaa sheegay inuu tageerayo ololaha loogu jiro in wax laga bedelo dastuurka wadanka u degsan hasa ahaate ay jiraan arrima dhowr ah oo ay dalbanayaan in la fuliyo.
Waxay wacad ku mareen inay garab siinayaan oo keliya isbedel horseedaya in lacago dheeraad ah loo qoondeeyo dowlad degaanada dalka.
Sido kale isbedelka la sameynayo ayay ku xireen shardi ah inuu yahay mid ku saleysan baahida shacabka.
Guddoomiyaha COG ahna barasaabka Turkana Josphat Koli Nanok ayaa hoosta ka xariiqay inuu hakad ku yimid barnaamijyo badan oo ku saabsan horumarka maadaama lala soo daahay dhaqaalihii lagu maareyn lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *