Madaxweynaha dalka oo ka murugooday geerida ku timid Jane Kiano

Madaxwaynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa murugo ku tilmaamay geerida ku timid hogaamiyihii hore ururka Maendeleo Wanawake ee Jane Kiano.
Mdaxaweyne Kenyaatta ayaa ku amaanay haweenaydaasi geeriyooday in ay kaalin weyn ka qaadatay xuquuqda aadanaha ay mar walbana u taagneyd cadaaladda.
Mrs Kiano oo 74 jir ahayd , ayaa ku dhimatay Isbitaalka Nairobi waxaa ay in mudo ah la xanuunsaneysay cudurka halista ah ee kansarka.
Sido kale Mrs Kiano ayaa xilal badan soo qabatay waxaa ayna si weyn diirada u saari jirtay hormarka dalka iyadoona sanadkii 1979-kii la gudoonsiiyay abaalmarin.
Hawenaydan ayaa sido kale ka mid ahayd aasaasayaashi ee gudiga
Is-dhexgalka bulshada ee (NCIC).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *