Sinead O’Connor oo qaadatay diinta islaamka magaceedana u badalatay Shuhada

Sinead O’Connor oo ah fanaanad can ah una dhalatay wadanka Ireland ayaa ku dhawaaqday inay qaadatay diinta islaamka waxayna magaceeda u badashay Shuhada’ Davitt.
Waxa ay haysatay diinta kiristaanka gaar ahaana diinta Catholica.
Haweeneydan oo 51 sano jir ah ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay sawiro ay qabto xijaab ama gambis, sidoo kalena waxay soo dhigtay muuqaalo iyadoo ku luuqeyneyso aadaanka salaada.
Waxa ay sheegtay inay ku faraxsantahay diinta ay qaadatay ee islaamka ah .
Waxay sidoo kale intaa ku daray inay baaritraan ku sameysay dhamaan diimaha ka jira caalamka balse diinta islaamka ay tahay diinta kaliya ay ku qanacday.
O’Connor, oo hada la baxday Shuhada’ Davitt ayaa ku can baxday hees ay soo saartay 1990-kii oo la magic baxday qof aan kula simo ma jirto ‘Nothing Compares 2 U’.
Shuhada’ Davitt ayaa sheegtay inay qiyaasi Karin farxadeeda, waxayna u mahad celisay muslimiiinta gaar ahaan muslimiinta baraha bulshada sida gaarka ah ugu soo dhaweeyay.
Waxaa qoray: Anwar Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *