Soomaaliya iyo Qadar oo ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowlada Fedraalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza.
kulankaan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowlada Soomaaliya,ayya labadaan masuul kaga wada hadleen Arrimo dhowr ah oo la xariira hanaanka wada shaqeynta ka dhexeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.
Intii kulanku socday ayaa la isku dhaafsaday qodobo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga wadaagga ah ee labada dal u dhexeeya.
Dowladda Qatar ayaa ka mid ah wadamada sidda weyn u taageera dalka Soomaaliya, waxayna soo baxday taageeradeeda sanooyinkii lasoo dhaafay gaar ahaan sanadkii hore oo dalka qadar ay xiriirka u jareen dalalka kale ee khaliijka Soomaaliyana xiligaas ay sheegtay inaysan wax xiriir ah u jari doonin dalkaasi Qadar ee la go’doomiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *