Wiilka saxafiga la dilay ee Salah Jamal oo gaaray dalka Maraykanka

Saxafiga la dilay ee Jamal Khashoggi, wiilkiisa Salah ayaa tagay wadanka Maraykanka ka dib markii xukumada Sacuudiga uu ka qaaday xariyiraadii safarka.
Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweysay Salah Jamaal iyadoona ku amaantay xukumada Riyadh Go’aanka ay qaadatay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa ka hadlay xaaladda Salah intii uu ku jiray booqashadii ugu dambeysay ee uu ku tagay dalka boqortooyada.
Lama oga wiilka saxafiga la dilay halka uu maraykanka kaga suganyahay balse aabihiisa Jamal Khashoogii ayaa ku noola deegaanka Washington.
Qoyska Jamaal Khashoogii ayaa wali la murugaysan dilka loo gaystay .
Dilka wariyahan caanka ah ayaa la aaminsanyahay inuu fuliyay Sacuudi Crabiya xilii 2-dii bishan Oct oo galay qunsuliyadda Sucuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.
Wadamada reer galbeedka ayaa Sacuudiga ku cambeereyay dilka wariyahaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *