2 ka mid ah ciidamada nabadsugidda qaramada midoobay oo lagu dilay Mali

Laba weerar oo laga fuliyay bartamaha iyo waqooyiga wadanka Mali ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen laba sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee halkaasi u joogo howlaha nabad sugidda.
Howlgalka nabadsugidda qaramada midoobay ee Mali ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay sido kale dhaawacmeen sarakiil dhowr ah.
Midowga MINUSMA ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada ay iska caabiyeen weerar lala eegtay saldhigga degmada Ber oo 60 kiilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada Timbuktu.
Weerarka kale ayaa ka dhacay magaalada Konna oo ku taallo bartamaha gobolka Mopti.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay 4 askari oo ka soo jeedo Togo kadib markii baabuur ay saarnayeen ay ku qaraxday miinada dhulka lagu aaso.
Militariga Burkina Faso ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah sarakiishiisa ay ku dhinteen weerarka Ber , 5 kalena ay dhaawacmeen.
Qaramada midoobay ayaa waxaa gudaha Mali kaga sugan 12,000 oo ciidamo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *