Bangiga adduunka oo warbixin ka soo saaray tayada waxbarashada dalka

Bangiga adduunka ayaa warbixin cusub oo uu soo saaray shaaca uga qaaday in ugu yaraan boqolkiba 40 ee ardayda dhameeya dugsiyada sare ee dalka aysan lahayn heerka aqooneed ee looga baahanyahay inay lahadaan.
Caqabadaha ardaydaasi haysta ee ah dhanka wax akhrinta iyo qoridda ayaa loo aaneeyay tayada tacliinta ay soo qaateen oo weli hooseysa.
Warbixin bangiga uu arrimahan uga hadlay ayaa ka kooban 151 bog waxaana lagu xusay in wadamada Kenya, Ghana iyo Bolvia ay yihiin kuwo ku hooseya dhanka tayada waxbarasho.
Hoos u dhaca dhanka tayada tacliinta ayaa loo sababeeyay in saddexdan dowladood ay xoogga saaraan maalgashiga ballaaran ee lagu sameeyo dhisidda dugsiyo badan iyadoo aanan si gaar ah dabagal hoose loogu sameynin tayada casharada ardayda ay qaataan.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo laga bilaabo 5-ta bishan ,664,587 oo arday ah ay u fariisanayaan imtixaanada qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee loo yaqaano KCSE-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *