DHAGEYSO Xaalada magaalada Kismaanyo oo maanta degan.

Xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa maanta deggan kadib markii shalay gelinkii dambe uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad khasaare sababay.
Ciidamada Booliska ee maamulka Jubbaland ayaa Saaka howlgallo ka wadda Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo si amaanka loo xaqiijiyo.
Howlgallada ayaa Magaalada looga saraya Koox hubeysan oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay inay falal lidi ku ah Ammaanka ay ka waday magaalada Kismaayo.
Shaqaaqooyinka ka dhacay magaalada Kismaanyo ayaa la sheegay inuu ku dhintay nabadoon si weyn looga yaqaana gobolada Jubooyinka waxaana la sheegay in hada xaaladu wanaagsan tahay.
Taliska qaybta Booliska ee gobolka jubada Hoose oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaanyo ayaa sheegay in cidkasta oo isku dayda inay amniga carqaladeeyaan talaabo laga qaadayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *