In ka badan 11 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Maraykanka

Ugu yaraan 11 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen weerar laga fuliyay magaalada Pittsburgh ee dalka Maraykanka.
Khasarahaasi ayaa dhashay kadib markii qof hubaysan uu rasaas ku furay macbad Yuhuudda ay ku cibaadeysato oo magaaladaasi ku yaallo.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo weerarkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid si naxariis darro ah oo aan kala sooc lahayn loo fuliyay.
Robert Bowers oo 46 sano jir ah ayaa looga shakisanyahay inuu falkaasi geystay in kastoo isna uu dhaawac soo gaaray.
Waxaa sido kale weerarkan ka hadlay raii’sul wasaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo sheegay inuu aad u niyad jabay aadna uga murugooday arrintan.
Madaxweynaha Turkiga ,Recep Tayyip Erdogan ayaa sido kale weerarkaasi cambaareeyay wuxuuna sheegay inuu murugada la qeybsanayo qoysaskii ay waxyeeladu ka soo gaartay.
Raii’sul wasaaraha ingiriiska , Theresa May ayaa dhankeeda muujisay dareen la mid ah midka Netanyahu waxayna ku tilmaantay mid salka ku hayo dambiyada naceybka ku saleysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *