In ka badan hal milyan oo arday ah oo talaadada billaabaya imtixaanka KCPE-da

Maalinka talaadada ah taarikhduna ay ku beegantahay 30-ka bishan ayaa lagu wadaa in guud ahaan dalka uu ka bilowdo imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe ee loo yaqaano KCPE-da.
Arday ay tiradoodu kor u dhafeyso hal milyan ayaa imtixaanka ku sameynaya xarumo kala duwan.
Xarumaha qaar ayaa la gaarsiiyay warqadaha imtixaanka sannadlaha ee shahaadiga ah.
Wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa berri oo isniin ah la filaya inay sarakiisha wasaaradda ku hoggaamiso kormeer lagu sameynayo munaasabadda ugu dambeysa ee isu diyaarinta imtixaanada.
Maamulka iyo shaqaalaha warbaahinta star oo iskuduuban waxay guul u rajeynayaan dhamaan ardayda imtixaanada qaran u fariisanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *