Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida aabaha Kalonzo Musyoka

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitarka , madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uga tacsiyeeyay geerida ku timid aabihii ,Peter Musyoka Mairu.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu murugada la qeybsanayo qoyska uu odaygaasi oo 94 jir ahaa ka tagay.
Waxaa tacsi taasi la mid ah diray hoggaamiyaha xisbiga ANC, Musalia Mudavadi , madaxa mucaaradka Nasa , Raila Odinga, senetarka Bungoma Moses Wetangula iyo barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko.
Mr. Mairu ayaa xalay ku dhintay isbitaalka Nairobi oo lagu daaweynayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *