Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo ku baaqay in la adkeeyo amniga xuduudda Suuriya

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Adil Abdul-Mahdi ayaa maanta oo axad ah ku baaqay in si weyn loo sugo amniga xadka uu wadankaasi la wadaago Suuriya oo daris la ah.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in tallaabadaasi ay sii xoojin karto xasilooni guud ee Ciraaq.
Hadalkan ayuu jeediyay kadib markii uu tagay xarunta ugu weyn ee ciidamada nabad sugidda ay ku leeyihiin magaala madaxda Baghdad.
Sido kale waxaa uu ku baaqay in si weyn loola dagaalo oo gudaha iyo hareeraha Ciraaq looga cirib tiro kooxaha geysta weerarada argagixiso.
Bishii Disembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii dowlada Ciraaq ay ku dhawaaqday inay ka guuleysatay kooxda la magacbaxday khilaafada islaamiga ee ISIS.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *