Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa dalkani Kenya Mudane Uhuru Kenyatta waxayna kawada hadleen iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ay wadaagaan labada wadan.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa wakaalada wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay in labada Madaxweyne ay isla lasoo qaadeen dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii madaxweynaha Soomaaliya uu sanadkii hore ku yimid dalkaani Kenya.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya sida ay qortay wakaalada wararka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale, ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha labada dal iyadoo sidoo kalena la dhiirra gelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dhigiisa dalkani Kenya Mudane Uhuru Kenyatta kaalinta ay Dowladda Kenya ka qaadanayso nabadgalyada gobolka iyo adkeynta xiriirka labada dal oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *