Wadamo uu Turkiga ka mid yahay oo ku baaqay in la soo afjaro howlgalada Idlib

Hoggaamiyaha dalalka Ruushka, Jarmalka, Faraniiska iyo Turkiga ayaa kulan ay yeesheen kadib soo saaray qaraar ah in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xabad joojin uga dhaqangasho gobolka Idlib ee Suuriya.
Sido kale waxaa kulankaasi ka soo baxay in dhamaadka sannadkan uu fadhi yeesho guddi soo saaraya dastuur cusub.
Shirka ay isugu yimadeen madaxda wadamadaasi ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Turkiga iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay in gobolka Idlib ee Suuriya laga sameeyo goob ka caaggan howlaha militariga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *