Wakiilka haweenka ee Migori oo shil ku dhaawacantay

Pamela Odhiambo oo baarlamaanka ku matasha haweenka maamul goboleedka Migori ayuu dhaawac soo gaaray kadib markii ay saaka shil gashay.
Sarkaalkii ilaalinayay Fred Owich ayaa ku dhintay isla goobta uu shilka ka dhacay oo lagu magacaabo Winyo oo ku taallo wadada isku xirta magaalooyinka Rongo iyo Homa Bay .
Dr. Odhiambo ayaa ku wajahneyd Homa Bay si ay uga qeyb gasho xaflado lacag arruurin oo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu halkaasi ku qabanayay Senetarka Baringo , Gideon Moi.
Taliyaha booliska ee Migori ,Mr Joseph Nthenge ayaa sheegay in darawalkii baabuurka waday uu xakameyntiisa lumiyay isagoo iskudayaya inuusan ku dhicin mooto wadadaasi mareysay.
Hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa , Raila Odinga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitarka ku sheegay inuu caafimaad degdeg ah u rajeynayo Dr. Pamela Odhiambo oo hadda la dabiibayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *