Wasiirka gaashaandhigga ee Maraykanka oo ku baaqay in la baaro dilkii Jamal Khashoggi

Xoghayaha arrimaha difaaca ee xukuumada Washington, Jim Mattis oo maanta kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ,Adel al-Jubeir ayaa dalbaday in baaritaano ay daahfurnaan ku dheehantahay lagu sameeyo dilkii wariye Jamal Khashoggi.
Dilka suxufigan oo faallooyin ku qori jiray wargeyska The Washington Post ee Maraykanka ayaa la rumeysanyahay inuu ka dhacay magaalada Istanbul ee Turkiga.
2-dii bishan ayaa dad ugu war dambeysay kadib markii uu gudaha u galay qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ay ku leedahay Istanbul.
James Mattis ayaa warfidiyeenka u sheegay in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumada Riyaadh ay ku heshiyeen in la sameeyo baaritaano dhameystiran.
Horraantii bishan ayay ahayd markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ,Mike Pompeo uu kulan ku saabsan arrinta Khashoggi la qaatay boqor Salman Bin Cabdul Caziiz iyo dhaxalsugaha boqortooyada Maxamad Bin Salman.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *