Dabeylo xooggan oo ismaamulka Homa Bay ku burburiyay in ka badan 30 guri

Ugu yaraan 30 guri ayaa lagu soo waramayaa inay ku burbureen saddex tuulo oo ku taalo maamul goboleedka Homa Bay kadib dabeylo xooggan oo ku dhuftay.
Waxaa dhacdadaasi hooy la’aan ku noqday ugu yaraan 300 oo qoysas ah oo deganaa tuulooyinka Lidha, Odel iyo Komoth.
Guddoomiyaasha degmooyinka Kotineo ,John Odhiambo iyo dhigiisa bariga Gem James Amimo ayaa dowlada ka codsaday inay caawiso qoysaska dhibaatadu soo gaartay.
Mr. Odhiambo ayaa sheegay in qoysaska qaar ay carruurtooda isugu jiran kuwo berri u fariisanaya imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee KCPE-da iyo midka loo yaqaano KCSE-da ee dugsiyada sare.
Dabeylaha burburka geystay ayaa xigay roobab lixaad leh oo ismaamulkaasi ka da’ay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *