Diyaarad ay saarnayeen 189 qof oo ku burburtay Indonesia

Maamulka dalka Indonesia u qaabilsan badbaadada ayaa sheegay in diyaarad ka soo duushay Jakarta kuna wajahnayd jasiiradda Sumatra ay burburtay.
Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda Lion ayay wasaaradda gaadiidka ee wadankaasi sheegtay inay saarnayeen 189 qof oo rakaab ah.
Afhayeenka maamulkan ,Yusuf Latif ayaa burburkasi xaqiijiyay.
Diyaaradda Boeing 737 MAX 8, ayaa khadka lumisay 13 daqiiqo kadib markii ay soo duushay.
Waxaa hadda weli Indonesia ka socdo howlaha gurmadka ee lagu baadigoobayo diyaaradda la rumeysanyahay inay ku dhacday badda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *