Kooxda cayaartooyda Leicester City oo xaqiijisay inuu mulkiilaheeda dhintay

Kooxda Leicester City ayaa xaqiijisay inuu dhintay maamulaha kooxdaasi Vichai Srivaddhanaprabha iyo 5 qof oo kale kadib markii ay shalay garoonka King power ay ku burburtay diyaarad Helikobtar ah oo ay saaranayeen.
Diyaarada ayaa burburtay wax yar un kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii u dhaxaysay kooxda ay musiibada qabsatay ee Leicester City iyo Westham United .
Kulankaasi u dhexeyay Leicester City iyo Westham United ayaa ku soo dhamaaday barbaar dhac ah 1-1
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in diyaaraddu ay kontoroolka lumisay ayna dhacday oo dab qabsaday.
Tobannaan kun oo ubaxyo iyo marooyin tacsi ah ayaa la dhigay meeshii uu shilkaasi ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *