Maxkamadaynta eedeysanayaal loo haysto fadeexadii NYS oo maanta bilaabatay

Waxaa maanta mar kale maxkamada Milimani ee magaaladatani Nairobi ka billaabatay dhageysiga dacwadaha ay wajahayaan sarakiil gaaraya 37 oo ku aaddan lacago laga dhacay waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS.
Waxaa dhamaan lala xariiriyay lunsashada 468 milyan oo shilin iyo inaysan u hoggaansamin shuruucda u degsan soo iibsashada qalabka.
Sido kale eedeysanayaasha ayaa loo haystaa ku takriifal awoodeed, lacago si aanan habbooneyn loo bixiyay iyo dokumeentiyo waxba kama jiraan ah oo ay adeegsadeen.
Xoghayihii hore ee wasaaradda adeega dadweynaha iyo dhalinyarada Lillian Omollo ayaa ka mid ah dadka dacwadahaasi wajahaya.
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa dhankooda ku dadaalaya inay maxkamadda u caddeeyaan qaabka ay eedeysanayaasha isaga kaashadeeyn lunsashada kheyraadka NYS.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *